top of page

Hordhac

ku caano maal Afkaaga Hooyo!

videos

Tan iyo markuu dhacay dagaalkii Somalia, waxaa yaraaday barahii lagu soo bandhigi jiray qoraaladii kala duwanaa ee diirada lagu saarijiray arimaha bulshada ama ha ahaadaan sheekooyin dhaxal gal ah, ama suugaan amaba cilmibaaris iyo taqasusaad juhdi buuxa lasaaray taas ooy sababtay burburkii dowladii dhexe iyo dhamaan waxqabadkii dawlada. waxaa kale oo burburku dhaxalsiiyey bulshada Somaliyeed firir iyo baahsanaan dunida dacaladeeda. Waxeey dhaxleen dhaqamo, luuqado, iyo habab cusub oon horey loo aqoon.

 

Hadaba annagoo ka duuleeyna arimahaas iyo kuwa la midka ah, waxaan idiin diyaarinay bogaan si aan idiinka haqab tirno baahida joogtadaa ee loo qabo soo celinta dhamaan qaababkii qoraaleed ee mushtamacu lahaa sida buugag cusub, cilmi baaris, maaweelada caruurta, qisooyin, waayo aragnimo iyo tusaalooyin faaiido u ah dhamaan bulshada Soomaliyeed meelkasteey joogaan. Waxaa kale oo muhiim ah inaan xusno baahida aragtida/figradaha haween ka Somaliyeed oo badanaaba aan helin fursad ay kusoo bandhigaan aragtidooda guud iyagoo u ah lafdhabar iyo tiirdhexaad dhamaan hormar ka iyo baraaraha bulshada. Waxaa marka noqotay lama huraan inaan siino fursad, Platform ay fikradaha, waayo aragnimo, aqoon maadi iyo mid cilmaani intaba ay ku kala qaataan.​

​

Hadii aan usoo noqona hindisada bogaaan waxaa mahad balaaran iska leh Saciido Shaie oo laheed fikirka bogaan. Saciido waa gabar Soomaaliyeed oo kunool wadanka Mareeykan. Waxeey wadankaasi tagtay iyadoo todobo jir ah waqtigii dagaalka kadib. Waxeey aqoonteeda hoose iyo tiisare ilaa heer jaamacadeedba ku qaadataay isla dalkaas Mareeykan iyadoo ku taqasustay Arimaha Bulshada iyo Macalinimo (Social Science and Urban Education). Waxeey kasoo shaqeeysay arimo badan iyadoo walibana ka midnoqotay Dowlada Gobolka Minnesota taas oo Governatooraha ama Madaxa Gobolkaasi u magacaabay Jaggada Juvenile Justice iyo arimaha baahiyeed ee haysta Bulshooyinka laga tirada badan yahay sida sinaanla aanta, shaqo la’aanta iyo dhamaan fursad abuuris dhinacyo badan taabaneeysa. Waxeey kale oo ku caanbaxday Saciido u ololeeynta arimaha bulshada Somaliyeed eeku nool gobolkeeda qaas ahaan Dhalinyarada Somaliyeed. Waxeey aasaastay hay’ad lamagac baxday Ummah Project oo mudo kudhoow Toban sano u shaqeeyneeysay arimaha Dhalinyarada Somaliyeed iyadoo tababaro caalamiya siisay ugana faaiideeysay Bulshada.

 

Mahadsanidin!

 

Admin

I'm a paragraph. Click here to add your own text and edit me. It's easy.

Address

Minneapolis MN United States 55413

Contact

Follow

  • facebook
  • youtube
  • twitter
  • linkedin
  • googlePlus

©2018 by Saciido Shaie. Proudly created with Wix.com

bottom of page